SOMALITIMES — Wargeys xor ah oo kasoobaxa Sweden, kunasoo baxa soomaali SOMALITIMES waa wargeys bishiiba mar soo baxa, kana soo baxa Sweden. Waa Wargeys ka madax banaan kooxaha siyaasada iyo ururada danaha gaarka ah ushaqeeya. Wargeyska waxaa soo saara shirkada AfroMedia & Communications AB oo salkeedu yahay Göteborg, Sweden. Hadafka WargeyskaHadafka Wargeyska SOMALITIMES waa inuu qurbojoogta soomaaliyeed, weliba kuwooda kunool Sweden uu ka kaafiyo baahida ay uqabaan ogaanshaha dhacdooyiinka saameeya |
|
noloshooda; wararka, dhaqaalaha, fanka iyo suugaanta, Ha ahaato kuwa Soomaaliya iyo kuwa Swedenba'e. Wargeyska ma moogana inuu xil weyn qaaday oo ay lagama maarmaan tahay inuu qoro warar hufan, hubaal ah islamarkaasna dheelitiran. SOMALITIMES Wuxuu yoolkiisu yahay inuu derso si hufanna uga faaloodo dhacdooyinka: 1. Wararka Soomaaliya iyo wadamada afrikaanka ah. 2. Wararka Sweden, weliba kuwooda sida tooska ah ama sida maldahan u khuseeya qurbojoogta soomaaliyeed ee Sweden. 3. Wararka caalamka, kuwa bishaas ugu doorka roon, xiiso |
|
khaas ahna uleh qurbojoogta soomaaliyeed ee Sweden. Wariyayaasha SOMALITIMESWariyayaasheenu waxay dhan yihiin ilaa haatan sideed ruux oo ku kala nool lix wadan. Dhamaantood waxay ama deris la yihiin ama ku xeeldheer yihiin (waxbarasho ahaan) maqaalada ay SOMALITIMES usoo qorayaan. Waxaa intaa dheer suxufiyiin tirsimaha qaar wax inoo soo qora kana madax banaan wargeyska ST. Maamulka SOMALITIMESWargeyska SOMALITIMES wuxuu kasoo baxaa magaalada Göteborg ee wadanka Sweden. Maamulkiisu wuxuu ka kooban yahay Soosaaraha iyo tafatiraha Wargeyska Bile Hashi iyo Abyan Ali. |